Arbaco,
March 08, 2006(HOL): Shirweynihii Saddexaad ee Naadiga Qalinleyda iyo Halabuurka
Soomaaliyeed (Somali Speaking Pen) ayaa ka furmay Aqalka Ummadda ee magaalada
Jabuuti 26ki Febraayo 2006da.
Shirweynahani
wuxuu ku soo beegmay si weyna u bilay Kulan-wene lagu magacaabay Toddobaadka Afka
Hooyo, kaas ku aaddanaa xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, 21/2. Kulan-weynahaas
waxaa furay, khudbad dareen hilow dhaqan xanbaarsanna ka jeediyay Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Jabbuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo aad ugu nuuxnuuxsaday
baahida loo qabo daryeelka iyo horumarinta afka hooyo oo uu ku tilmaamay halbowlaha
nolosha iyo miftaaxa horumarka ummad kasta. Gabagabadii toddobaadkana madaxweynuhu
wuxuu Naadiga PEN guddoosiinyey billad sharafta Dhaqanka, taas oo Naadiga PEN
looga abaal-marinayo kaalinta firfircoon ee uu kaga jiro daryeelka afka hooyo,
horumarinta suugaanta iyo faafinta aqoonta guud.; maamuuskaas oo aanu madaxweynaha
uga celinayno mahad aad u ballaadhan. Isla billad-sharaftaas Dhaqanka wuxuu Madaxweynuhu
ku maamuusay abwaanno iyo qorayaal ay ka mid yihiin Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi,
Maxamed Daahir Afrax, Aw Jaamac Cumar Ciise, Maxamuud Dirir Geeddi iyo Gamaludin
Redo.
Naadiga
PEN waxaa sharaf weyn u ah in ay xaggiisa ka timid fikradda qabanqaabinta kulanweynaha
Toddobaadka lagu maamuusayo Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, taas oo hindiseheeda
lagu qeexay qoraal uu diyaariyey Guddoomiyaha Naadigu. Hirgalinta Toddobaadkana
waxaa hormuud ka ahayd Wasaaradda Dhaqanka iyo Warfaafinta Jamhuuriyadda Jabuuti,
waxaana gacan ka geystey haya'do iyo shirkado ay ka mid yihiin Djibouti Telecom,
Idaacadda iyo Televisionka Jabuuti, Daalo Shirkadda Daalo iyo haya'dda UNESCO;
xubnaha PE-na safka hore ayay kaga jireen dadkii u guntaday fulinta barnaamijka.
Shirweynaha
Saddexaad ee Naadiga PEN waxaa ka soo qayb galay xubnihiisa Jabuuti ku sugan iyo
ergooyin ka kala yimid qaybaha kala duwan ee Soomaaliya, Itoobiya, Sweden, iyo
Dalka Ingiriiska.
Waxaa
iyana xusid mudan xafladdii lagu maamuusayey gunaanadka shirweynahan inay ka soo
qayb galeen Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Itoobiya, Mudane Maxamuud Dirir
iyo Agaasime Goboleedka 'UNESCO' ee Bariga Afrika, Mudane Awad El-Hassan..
Shirweynaha
waxaa hawshiisa la guda galay 26/02/2006, iyadoo lagu bilaabay duco iyo tacsi
lagu xasuusanayey xubnihii bahdan 'PEN' iyo suugaanta Soomaaliyeedba qiimaha weyn
u lahaa ee dhawaan ka geeriyooday oo ay ka mid ahaayeen Cabdulqaadir Xirsi Yamyam,
Ibrahim Suleymaan Gadhle, Ilyaas Xasan, Maka Shirdoon iyo Aden Nuur Maxamed.
Intaa
ka dib waxaa la soo bandhigay lana ansixiyey Ajeendaha Shirweynaha, kaas oo ka
koobnaa qodobbada hoos ku taxan :
1.
Furitaan & Daqiiqad la xasuusto xubno geeriyooday: Yamyam, Ibrahim Gadhle
iyo Adan Nuur
2. Ansixin ajendaha
3. Erayga Odayada Naadiga - Hadraawi
4.
War-murtiyeedkii Shirweynihii hore - Riiraash
5. Warbixinta Guddoomiyaha
6.
Warbixinaha Laamaha:
a) Laanta Djibouti
b) " K/Soomaaliya
c) "
Sweden
d) " UK
6. Su'aalo iyo ka-faallootan warbixinihii la dhegeystay,
7.
Warbixinta khasnajiga,
6. Dib-u-qiimayn dhismaha Laamaha, Guddiyada iyo hab-socodka
hawlaha
Naadiga,
7. Qiimayn fulinta qorshe-hawleedkii hore,
8. Amba-qaadka
Qorshaha 2da sanee soo socota,
9. Go'aannada shirweynaha,
10. War-murtiyeed,
11. Doorashada Odayada Naadiga,
12. Doorashada Guddiga Fulinta
Furitaanka
Shirweynaha waxa ereygii ugu horreeyay halkaa ka soo jeediyay abwaanka caanka
ah ee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo ku hadlayey magaca Odayada Naadiga.
Waxaa
ku xigey Maxamed Cabdillaahi Riiraash oo shirweynaha u akhriyey murtida hadal-qoraalkii
Shirweynihii labaad ee Naadiga laguna qabtay Jabuuti bishii Juun, 2003, si dib
loogu xasuusto himilooyinkii waqtigaas, loona qiimeeyo wixii ka qabsoomay iyo
qabsoomi kari waayey.
Waxaa
dabadeed hadalka qaatay Guddomiyaha Naadiga, Maxamed Daahir Afrax oo Warbixin
guud oo dheer halkaa ka soo jeediyay, taas oo uu sawir cad ka bixiyey marxaladihii
kala duwanaa ee ay uu soo maray hawqabadka naadigu muddadii u dhaxeysey labada
shirweyne iyo baahida loo qabo cusboonaysiinta iyo sii hrumarinta hawlgalka PEN.
Waxaa ku soo xigay warbixino ay soo jeediyeen ergooyinkii ka kala socdey socday
laamaha Naadiga ee Jabbuuti, Koonfurta Soomaaliya, Sweden, iyo UK, kuwaas oo ay
uga hadlayeen guud ahaan wixii soo qaybteen ilaa dhismohoodii iyo talooyinka ay
soo jeedinayaan xubnaha Laamahaas ee ku kala baahsan dalalka kala duwan.
Maalinta
galinkeedii dambe waxaa si aad u qota dheer looga dooday hab-socodka hawl-qabadka
Naadiga iyo tallaabooyinka loo baahan yahay in hore loo qaado, si loo dardar-galiyo,
wixii dibuhabayn loo baahan yahayna loogu sameeyo hawlqabadka Naadiga.
Dabeed
waxaa la galay qaybihii ugu dambeeyey ajeendaha Shirweynaha, kuwaas oo ah doorashada
Odayada Naadiga iyo Guddiga Fulinta iyo warmurtiyeedkii gunaanadka Shirweynaha.
Odayada Naadiga waxaa
la gartay in saddexdii hore lagu biiriyo laba oday oo cusub, kuwaas oo kala ah
Xaashi cabdillaahi Orrax iyo Maxamuud Dirir Geeddi. Sidaa awgeed Odayada Naadiga
ee kalkan waxay noqonayaan :
Nuruddin
Farah
Maxamed Ibraahim Hadraawi
Ismaaciil Xuseen Taani
Xaashi Cabdillaahi
Orrax
Maxamuud Dirir Geeddi
Xagga
Guddiga Fulinta waxaa guddoomiye-ku-xigeen cusub loo doortay Cumar Aadan Qaaddi
oo hore u ahaa Xoghayaha Naadiga. Magacyada iyo xilalka Guddiga Fulinta ee cusub
waa sida hoos ku qoran :
Maxamed
Daahir Afrax - Guddoomiye
Siciid Jaamac Xuseen - Guddoomiye-ku-xigeen
Cumar
Adan Qaaddi - Guddoomiye-ku-xigeen
Aadan Xasan Aadan - Xoghaye
Maxamed Siyaad
Ducaale
Said Daud - Khasnaji
Cabdi Caateeye - Masuulka Warbaahinta &
Isgaarsiinta
Maxamed Cabdillaahi Riiraash - Masuulka Hawlgallada iyo Abaabulka
Cabdisalam
M. Ciisa-Salwe - Masuulka Qorayaasha Qurbaha & Barta Internetka
Idiris
Yuusuf Cilmi - Masuulka Horumarinta Luqadaha
Cumar Siciid Bile - Masuulka Ilaalinta
Xuquuqda Qalinleyda iyo Halabuurka
Maryan Cariif Qaasim - Masuulka Arrimaha
Qorayaasha & Halabuurka Dhaddig
Sagal cabdulqaadi - Masuulka Arrimaha Xubnaha
& xubinimada
Muumin Xuseen cabdi - Masuulka Tarjumadaha iyo Dhaqan-wadaagga
Burhaan
Axmed Daahir - Tifaftiraha Warsidaha Naadiga
Ismaaciil cabdi Axmed - Kuxigeenka
Ilaalinta Xuquuqda Qalinleyda & Halabuurka
Gunaanadkii
Shirweynaha waxaa la isla eegay, lana ansixiyey war-murtiyeedkii shirweynaha,
waxaanna halka ku soo koobaynnaa murtidii go'aannada:
"
In la kordhiyo tirada Odayada.
" In Guddida Fulinta awood loo siiyo
Dajinta Qorshe-hawleedka xilliga soo socda iyo wixii dibuhabayn u baahan hab-socodka
hawlqabadka.
" In meesha laga saaro guddiyadii lagu dhisay shirweynihii
hore, maa daama ay shaqayn waayeen.
" In si weyn loo xoojiyo xiriirka
qaybaha iyo xubnaha ku kala sugan adduunyada daafaheeda, iyadoo la aqoonsaday
in horuumarka iyo shaqo wanaagga Somali PEN ay raad weyn ku yeelaneyso hadba sida
wanaagsan ee loo sahlo isku-xirkaa.
" In xoogga la saaro sidii Somali
PEN ay u heli lahayd dhaqaale ay barrnaamijyadeeda ku hawl-geliso, iyadoo tixgelin
gaar ah la siinayo sidii dhaqaalahaa qaybtiisa badan looga heli lahaa shakhsiyaadka,
shirkadaha iyo ganacsatada Soomaaliyeed.
" In qorshe hawleedka labada
sanno ee soo socda xoogga la saaro sii wadidda iyo sii xoojinta barnaamijka socda
ee hal-ku-dheggiisu yahay 'Hirgelinta Hal-Abuurka ku Qoran Afka Hooyo', taasoo
lagu fidinayo dugsiyada iyo xarumaha kale ee waxbarashada, lalana kaashanayo qalabka
warbaahinta
" In xoog la saaro faafinta buugaagta ku qoran afka hooyo
iyadoo la gaarsiinayo dadka u baahan, dugsiyada iyo deegaannada oo dhan
"
In lagu guubaabiyo, laguna wacyi geliyo bahda ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgelin
ku sameeyaan daabacaadda iyo suuq-gelinta buugaagta Af- Soomaaliga ku qoran
"
Naadigu wuxuu xoojin doontaa difaaca iyo ilaalinta madax-bannaanida fekerka iyo
xuquqda qoraaga, suxufiga iyo halabuurka.
Ka qayb galayaasha Shirweynaha
3aad ee 'Somali PEN' waxay mahad ballaadhan u celiyeen guud ahaan dawladda iyo
ummadda reer Jabuuti, gaar ahaanna Madaxweynaha dalka, Mudane Ismaaciil Cumar
Geelle, iyagoo uga mahad celiyey marti-gelinta, deeqsinimada iyo garab galka hagar
la'aaneed ee ay mar walba nala garab joogaan.
SOMALI-SPEAKING
CENTRE
OF THE INTERNATIONAL P.E.N.
A WORLD ASSOCIATION OF WRITERS
United
Kingdom: P.O. Box 43446 London SE11 4YW, United Kingdom, Djibouti Office: P.O.
Box 3366 Djibouti, Djibouti, Tel/Fax +253 35 2926, email: webmaster@somalipen.org,
somalipen@hotmail.com