Hoggaamiye Kooxeed ka tirsan Isbaheysiga La-dagaalanka Argagixisada oo sheegay in aanu dhamaanin dagaalkii Muqdisho

Isniin, June 12, 2006 (HOL): Mid ka mid ah Hoggaamiye Kooxeedyada Soomaaliyeed ee inta badan lagala wareegay gacan ku heynta Magaalada Muqdisho ayaa Axaddii shaaca ka qaaday in in uusan weli dhamaanin dagaalkii Muqdisho ee dhexmaray Midowga Maxkamadaha Islaamka iyo Isbaheysiga La-dagaalanka Argagixisada.
Hadalka ka soo yeeray Hoggaamiye kooxeedkan oo aan isagu weli Muqdisho ka tegin ayaa wuxuu ku soo beegmayaa maalin kadb markii Dagaalyahannada Islaamiyiinta ah ee Muqdisho qabsaday ay xayiraad ku soo rogeen xaafado ay awood badan ku leeyihiin, kuwaasi oo loo diiday in laga daawado Ciyaaraha Koobka Adduunka, iyadoo taasina lagu tilmaamay calaamooyin asal raacnimo ah oo ay la soo baxayaan Xoogagga Maxkamadaha ee qabsaday Magaalada Muqdisho.
Muuse Suudi Yalaxow oo ah Hoggaamiyahaas ayaa Wakaaladda Wararka AP u sheegay in kooxdiisa Isbaheysiga La-dagaalanka Argagixisada ay dib isu abaabuleyso, si ay ula dagaalanto Maleeshiyooyinka Maxkamadaha oo uu ku eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Al-Qaacidda. Saraakiil Mareykan ah ayaa horay u sheegay in ay taageero siiyeen Hoggaamiye Kooxeedyada ku bahoobay Isbaheysigii La-dagaalanka Argagixisada, si ay ula dagaalamaan Hoggaamiyayaal Islaamiyiin ah oo Muqdisho ku magangelinaya seddex nin oo ka tirsan Ururka Al-Qaacidda, kuwaasi oo loo heysto in ay ka dambeeyeen qaraxyadii loo geystay Saafaradihii Mareykanka uu ku lahaa dalalka Kenya iyo Tanzania sanadkii 1998-kii.
“Isbaheysiga wuxuu sii wadi doonaa dagaalka ilaa aan ku guuleysanno dagaalka aan kula jirno Argagixisada”ayuu yiri Muuse Suudi oo sheegay in aaney ciidamadiisa is-dhiibi doonin.
Dhanka kalena labo ruux ayaa dhaawacantay kadib markii ay maleeshiyooyin ka amar qaata Midowga maxkamadaha Islaamka ay weerar ku qaadeen goob Shineemo ah oo lagu daawanayay ciyaaraha Adduunka, waxaana falkaas ay sameeyeen Maleeshiyooyinka Maxkamadaha difaacay Guddoomiye ku xigeenka Midowga Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo sheegay in ay howlgalkoodaas kaga hortegayeen in la marin habaabiyo Caruurta Muslimka.
Laakin dadka Muqdisho ayaa qaarkood waxay la yaaban yihiin go'aannada ka soo baxaya Midowga Maxkamadaha kadib markii ay Magaalada inteeda badan qabsadeen, “Isla marka ay guuleystaan Midowga Maxkamadaha Islaamka, waxaan fileynay in aan xornimo heli doonno”sidaasi waxaa yiri Aadan Xaashi Cali oo ah Wiil Dhalinyaro ah oo Muqdisho ku nool, “Laakin hadda waxayba naga hor joogsadeen in aan daawanno Ciyaaraha Adduunka”ayuuna hadalkiisa ku sii daray.
Hayeeshee Midowga Maxkamadaha Islaamka oo ka kooban Maxkamado Beeleedyo la isu geeyay ayaa Guddoomiyahooda Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu beeniyay in ay doonayaan in ay dalka Soomaaliya ku soo rogaan Xukun Dowladeed la mid ah midkii Daalibaan, wuxuuna ku gaabsaday in ay aqbalayaan aragtida dadka Soomaaliyeed ee la taliya. Shiikh Shariif waxaa kale oo uu beeniyay in ay jiraan dad ku jira Ururkiisa oo Xiriir la leh Al-Qaacidda, wuxuuna sheegay in uu wararkaasi oo aan jirin ka faafiyay Mareykanka.
Ugu dambeyntiina, Hoggaamiyayaasha Midowga Maxkamadaha Islaamka iyo Mas'uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay wada hadallo ay yeeshaan, walow la xusuusan yahay in ay labada dhinac horay isu eedeyn jireen ka hor guushii Muqdisho ee Maxkamadaha, waxayna taasi calaamatu Su'aal saareysaa natiijada ka soo bixi doonta wada hadallo ay yeeshaan labada dhinac.
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia
|