Road Star Car Rental
Happy News Yrar
 




Wararka Maanta - Axad- Jan. 15, 2006










· Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo la filayo in uu kulan is-cafin ah isugu keeno Guddoomiye Shariif Xasan iyo Ra'iisal Wasaare Geedi
· Wasiirrada Hubeysan ee Muqdisho oo taageeridda Heshiiska Cadan shuruud uga dhigay in dhib loogu celiyo Dhaqaale uga baxay Maamul u sameynta Gobolka Banaadir
· Caruur dugsiley ah oo u geeriyootay Bam ay ku ciyaarayeen
·












Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo la filayo in uu kulan is-cafin ah isugu keeno Guddoomiye Shariif Xasan iyo Ra'iisal Wasaare Geedi

Axad, January 15, 2006(HOL): Warar aynu ka helnay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in la filayo in madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu Maanta kulan is-cafin ah isugu keeno Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi, si ay isaga saamaxaan waxyaabihii soo kala dhexgalay mudadii lagu dhex jiray khilaafka xubnaha Dowladda Federaalka ee la sheegay in 5-tii bishan heshiis looga gaaray magaalada Cadan ee dalka Yemen.

Wararku waxay sheegayaan in madaxweynaha lagu waday in uu habeenkii xalay ahaa uu gaaro magaalada Nairobi oo ay ku sii sugnaayeen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'iisal Wasaraaha oo shalay tegay halkaas, iyadoo la soo weriyay in kulanka seddexda mas'uul lagu qabanayo Hotelka Grand Regency oo ahayd halkii ay ku kala tageen seddexdaas mas'uul markii kulan ay ku lahaayeen xubnaha baarlamaanka Hotelkaas 17-kii Maarso 2004 uu ku dhamaaday gacan ka hadal dhaliyay in uu dhiig ku daato.

Wararku waxay sheegayaan in seddexda mas'uul ay si wada jir ah ugu baaqi doonaan xubnaha dowladda in uu dhamaaday, isla markaana laga heshiiyay wixii khilaafaad ahaa ee horay u dhexmaray, isla markaana uu bog cusub u furmayo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, si ay u gudato waajibaadka shaqo ee dhex yaala kadib sanad iyo dheeraad lagu soo dhex jiray khilaaf cakiray howlihii dowladda.

Dhinaca kalena, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa shalay Hotelka Grand Regency qado sharaf ugu sameeyay xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliyeed oo iyagoo is-khilaafsan ku sugnaa magaalada Nairobi, wuxuuna u sheegay in laga heshiiyay wixii khilaafaad ahaa oo markaasina ay isaga iyo madaxweyne C/llaahi Yuusuf daacad ka yihiin heshiiska la gaaray, wuxuuna ugu baaqay dhamaan xubnaha baarlamaanka meel kasta oo ay joogaan in ay taageeraan heshiiska ay gaareen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia





 




Wasiirrada Hubeysan ee Muqdisho oo taageeridda Heshiiska Cadan shuruud uga dhigay in dhib loogu celiyo Dhaqaale uga baxay Maamul u sameynta Gobolka Banaadir

Axad, January 15, 2006(HOL): Wasiirada hubeysan ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la soo weriyay in ay shuruud ku xireen aqoonsiga ama taageerada heshiiskii ay madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka dhawaantan ku gaareen magaalada Cadan ee dalka Yemen.

Warar ku dhow dhow wasiirka howlaha guud iyo guriyeynta Cusmaan Xasan Cali (Caato) ayaa sheegaya in uu saaxibadiisa siyaasadeed dhawaantan ku wargeliyay in aaney aqoonsan doonin heshiiskaas ilaa laga bixinayo dhaqaalihii ay ku galeen maamul u sameynta gobolka Banaadir oo ay wasiirradaas hubeysan sheegayaan in ay ka badan tahay hal Milyan oo Doollarka Mareykanka ah.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in sidoo kale ay soo jeediyeen in haddii la doonayo in heshiiskaas uu meel maro ay tahay in Ra'iisal Wasaare loo magacaabo mid ka mid ah Wasiirradaas hubeysan, gaar ahaan Maxamed Qanyare iyo Muuse Suudi midkood, sida laga soo xigtay saraakiil aad ugu dhow dhow wasiirradaas.

Seddexdan wasiir ee kala ah Cusmaan Caato, Maxamed Qanyare iyo Muuse Suudi ayaa ah kuwa aan ilaa haatan taageerin heshiiskaas marka loo fiiriyo xubnaha kale ee ay isku ra'yiga ahaayeen ee jooga magaalada Muqdisho, lamana hubo sida ay meel mar u noqon doonto shuruudaha cusub ee ay ku xirayaan taageeridda heshiiskaas, walow laga yaabo in uu wasiirradaas damac ka galay dhaqaalaha la sheegay in lagu bixinayo deymaha xubnaha labada gole ee ku kala sugan hotellada Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

XIGASHO: Wargeyska Sanca Press
Mogadishu, Somalia

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






 




Caruur dugsiley ah oo u geeriyootay Bam ay ku ciyaarayeen

Axad, January 15, 2006(HOL): Labo caruur ah ayaa shalay ku geeriyootay bam ay ku ciyaarayeen kadib markii ay ka soo tageen dugsi qur'aan ku yaala degmada Yaaqshiid oo ay waalidiintooda ku ogaayeen.

8 kale oo caruurtaasi ka tirsan ayaa la soo weriyay in dhaawacyo isugu jira kuwo fudud iyo kuwo culus uu ka soo gaaray qaraxa bamkaas oo ka dhashay sida la sheegay markii ay u geysteen garaacis aad u xooggan, bacdamaa aaney caruurtaasi u aqoonin in waxa ay ku ciyaarayeen uu ahaa Bam halis gelin kara naftooda.

Falalka noocaan ah ayaa dhawaanahan ahaa kuwo dhibaato u geysta caruurta aan aqoonta u lahayn Bamka xumaaday ee ay iska soo fogeeyaan hoggaamiye kooxeedyada iyo kuwii ka haray dowladdii Mileteriga, iyadoo mararka qaarkood ay dhacdo in gantaalo ay hawada sare la galaan dad ka dhex raadinayay maar ay iibsadaan, si ay uga helaan nolol maalmeedkooda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






 




“Abwaan Sangub isagoo waalan iyo isagoo fiyow labadaba kama suurtowdo in uu sameeyo falka laga sheegayo oo ah mid been abuur ah oo sharaftiisa wax loogu dhimayo”FANNAANIINTA SOOMAALIYEED

Axad, January 15, 2006(HOL): Dhawaan waxaa soo shaac baxay warar ay qoreen saxaafadda gudaha iyo Dibadda, kuwaasi oo sheegayay in Abwaanka weyn ee Soomaaliyeed Maxamuud C/llaahi Ciise Sangub uu ku xadgudbay gabar Soomaaliyeed, taasi oo la sheegay in uu kula kacay falal ka dhan bani'aadannimada.

Haddaba Fannaaniinta Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha dalka iyo dibaddiisa ayaa qoraal ay soo saareen oo ay ku sheegayeen in Abwaanka laga abuuranayo, sharaftiisana wax loo dhimayo waxaa la soo gaareen HOL, wuxuuna qoraalkaasi oo ay ku saxiixnaayeen inta badan Fannaaniinta Soomaaliyeed uu u qornaa qaabkan:

“Haddii aan nahay fanaaniita soomaliyeed oo ku kala nool aduunka afartiisa gees waxaanu ka xunahay gafka weyn oo loo geestay abwaanka weyn ee Soomaaliyeed Maxamuud Cabdullaahi Ciise Sangub.

Fanaaniinta Soomaaliyeed gaar ahaan hobolada Waaberi Abwaanka aqoon weyn bey u leyihiin waayo Fanaanka Waaberi ugu yar waxay wada shaqeynayeen 20 sano, waxaanu leenahay ma ahan qof ay ka suurtowdo waali iyo miirqab in uu waxaas sameeyo, waana ka xunahay ma geeyo Abwaanka qofkan warkaasina waa been aan sal iyo raad toona laheyn”.

Fanaaniinta ku saxiixan Qoraalkan

SHAMIS ABUUKAR GADUUDO

SAALAX QAASIN NAAJI

SAADA CALI WARSAME

HIBA MAXAMED HUDOON

MAXAMED ISMAAIL XUDEYDI

CABDI AADAN QAYS

SHEEK ABUUKAR

M MAXAMUUD BUSE

SAHRA AXMED JAAMAC

MAXAMED SALEEBAAN TUBEEC

BINTI CUMAR GACAL

CAASHO CABDOOW SULEYMAAN

FAADUMO QAASIN HILOWLE

SEYNAB XAAJI ALI BAXSAN

CALI MAXAMED C/GANEY

SALAAD MAXAMED SHARDI

QAMAR CABDILAAHI HARAWO

NIMCA YAASIIN CARAALE

CABDI CALI BAACALWAAN

CABDIKARIIN JIIR

FEYNUUS SHEEKH DAAHIR

CABDIDHUUX YUUSUF

KINSI XAAJI AADAN

MUSTAFE KIIKA

KHADIIJO M/MUUD QALANJO

MAXAMED XASAN BARROW

KHADIIJA FOODEEY NUUR

MAXAMED YUUSUF CABDI

KHADRA DAAHIR CIGE

SICIID MAXAMED XARAWO

CAASHA WILISIQO

AWEES GOOBE

SEYNAB CIGE MAXAMED

C/QAADIR CUSMAAN CALASOOW

CABDI XASAN DIGE

XAKIIMO CAALIN

MAXAMED AXMED KULUC

MAXAMED IBRAAHIN HADRAAWI

DAAUUD CALI MASXAF

RUUMI MAXAMED NAAJI

C/LAAHI CABDI SABRIYE

MAKI XAAJI BANAADIR

MAXAMED AADAN SHAMUURI

SITEEY MANOOGTO

AMAARA CALI SHOOBARO

SHIMAALI AXMED SHIMAALI

MARWO CABDI

AXMED SHARIIF KILER

C/NUUR ALAALE

SAHRA ABUUKAR CABDI DAWO

AXMED SALEEBAAN BIDE

C/LAAHI SHARIIF BAASTOW

AXMED NAAJI SACAD

KHALIIF AXMED CILMI

SAYID KHALIIFA

SAYNAB LABA DHAGAX

KHADIIJA CEERI GAABO

MAXAMED AXMED QOOMAAL

FEYSAL CUMAR MUSHTEEK

CADIJIBAAR KHALIIJI

SUREER AXMED FAARAX

XASAN AADAN SAMATAR

SAAFI DUCAALE CALI

DEEQA AXMED

MUUSE MAXAMED

CABDULQAADIR JUBA

BOON XIRSI BOWDYO GAAB

AXMED SAALAX QAASIN

MAXAMED MACLOOW NUUR

KHADIIJA C/LAAHI DALEYS

AXMADEEY DHAKAME

FAADUMO HALDHAA

XABIIBO XASAN TOOXOOW

FAADUMO CALI NAGRUUMA

CISMAAN BULO

CABDIXAKIIN FARAYARE

FAADUMO C/LAAHI MAANDEEQ

SHARIIF JEEG

CALI CABDULE GUURE

FARTUUN BIRIMO

XAREEDO ISMAA,IIL DUNIYA

CADAR AXMED KAAHIN

AXMED CALI DARARAMLE

XASAN CUJEERI

CABDIRAXMAAN AWKOOMBE

SHANKAROON AXMED SAGAL

CABDI TAHALIIL WARSAME

SHEEKH CABDI

SHAMSO BASHIIR XASAN

AXMED CALI CIGAAL

CABDIRAXMAAN JAAJUUMOOW

XASAN SHARIIF

FAADUMO AXMED

LUUL JEYLAANI

XABIIB SHARAABI

MAXAMUUD CABDALA JEERI

KAAHA SHIDE AADAN

C/LAAHI AMIIR AWKUUKU

CIBAADO AXMED

CABDINUUR JAAZ

FAADUMO SHAXSHAXLEEY

MUSTAFA SHEEKH CILMI

CABDIRISAAQ KUUKAAY

MAXAMUUD CUMAR YARE

BARRE MAXAMED FIIDOOW

CALI SUGULE

CABDIRISAAQ GAADACO

CABDULAAHI BOQOL

MAXAMED XASAN LAFOOLE

C/LAAHI DIIRIYE SOORAAN

MAXAMED KARAAMA SIIDI

SICIID XUSEEN

CABDI BAADIL IBRAAHIN

SICIID KHALIIF CALI

XAYNOOSH SANQOOLE

KING KHAALID

CABDULE YUUSUF HANUUNIYE

AWEES QAMIIS CABDALA

CABDI SHIRE JOOQLE

C/SALAAN BADACAS

MARYAN MURSAL CIISE

KALTUUN SHEEKH IBRAAHIN

MAXAMED AADAN DACAR

CABDI JANAN.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia
 





 


Hiiraan Online
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2005 Hiiraan Online