10/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 21, 2006
Dagaal xooggan oo xalay mar kale dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalak iyo kuwa Maxkamadaha Islaamka

Arbaco, December 20, 2006(HOL): Dagaalkan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay nawaaxiga Deegaanka Deynuunaay oo u dhaxeeya Magaalooyinka Buur-Hakaba iyo Baydhabo, iyadoo labada dhinac ay isku ridayeen madaaafiic laga maqlayay labadaas magaalo oo 60km isu jira.

 

Lama xaqiijin karo ilaa iyo haatan khasaaraha dagaalkaas ka dhashay sababtuna waxay tahay iyadoo labada ciidan ay ku dagaalamayaan meel duur ah oo aaney dad ka dhaweyn.

 

Labada dhinacba waxay sheeganayaan guul ay dagaalka ka gaareen, iyadoo sidoo kalena ay isku eedeynayaan in ay weerarka bilowday. Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay maxkamadaha Islaamka oo ay la jiraan dagaalyahanno ajnabi ah ay labo jiho oo kala ah Moode Moode iyo Idaale ay ka soo weerareen, halka Maxkamadaha Islaamka ay iyaguna sheegayaan in ay soo weerareen ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaan ah oo la socda.

 

Wararka naga soo gaaraya Magaalooyinka Buur Hakaba iyo Baydhabo ayaa sheegaya in ay ciidamada labada dhinac ay isu jiraan wax ka yar 3km, isla markaana dagaalkooda uu sii socon doono ilaa qolo laga ceyrsado walow saakay aysan wax dagaal ah socon marka laga reebo rasaas yool baar ah oo ay isku ridayaan.

 

Madaxa Ammaanka Maxkamadaha Islaamka Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo ku sugan Jiidda hore ee dagaalka ayaa sheegay in ay la dagaalameen ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo uu sheegay in ay wax badan ka dileen. Indha Cadde waxaa uu ku goodiyay in aysan hakan doonin Ciidamada Maxakamadaha Islaamka ilaa ay ka gaareen xad u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isla markaana ay ciidamada Itoobiya ka wada saaraan dalka Soomaaliya.

 

Dagaalkan dhexmaraya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd uu magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho tegay Louis Michel oo ka socday Midowga Yurub, kaasi oo ay mas’uuliyiinta dowladda iyo kuwa Maxkamadaha ay ka ballanqaadeen in dagaallada wada hadal lagu bedelo, isla markaana lagu laabto Shirkii Khartoum.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia