Machadka Nabadda Soomaaliyeed oo dood ku saabsan xoojinta Nabadda Xamar ku qabtay Magaalada Muqdisho
Arbaco, August 02, 2006(HOL): Machadka Nabadda Soomaaliyeed (Somali Peace Institue) ayaa magaalada Muqdisho wuxuu ku qabtay shir ay ka qeybgaleen 60 xubnood oo ka kala socday Bulshada Rayidka, Haweenka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada, Maxkamadaha Islaamka iyo Saxaafadda, iyadoo shirkaasina looga hadlayay xoojinta nabadda ka dhalatay magaalada Muqdisho.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray sida lagu xoojin karo nabadda iyo sida ay dhamaan qeybaha bulshada rayidka ah ay ugu lug yeelan karaan geedi socodka nabadeynta Muqdisho oo aysan Maxkamadaha Islaamka kaligood meel marin karin.
Guddoomiyaha Machadka Nabadda Soomaaliyeed C/llaahi Maxamed Xasan Black ayaa furitaankii Shirka ka hadlay wuxuuna ugu horeyn u mahadceliyay ka soo qeybgalayaashii waqtigooda u haray in ay ka doodaan sii xoojinta nabadeynta Muqdisho
Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadaha Islaamka Shiikh Xuseen Maxamed Jimcaale ayaa ka hadlay kulankaas, wuxuuna sheegay in nabadeynta Muqdisho ay garbaha u saaran tahay qof kasta oo Muwaadin Soomaaliyeed ah, wuxuuna intaas ku daray in kulamada ceynkaas oo kale ah ay yihiin kuwa lagu horumariyo danaha bulshada, wuxuuna ku ammaanay Machadka Nabadda Soomaaliyeed kulanka uu u qaabeeyay Indheer-garadka, Bulshada Rayidka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaasi oo iska warsanaya Mustaqbalka dalkooda, gaar ahaan Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Ganacsatada Gobolka Banaadir Maxamuud C/Kariin Gabeyre ayaa isagoo ku hadlay magaca ganacsatada, wuxuuna sheegay in Ganacsada Soomaaliyeed ay qeyb ka qaateen Nabadda iyo waliba horumarinta wadanka, wuxuu sheegay in Ganacsiga Soomaaliyeed ku nool yihiin kumaan kun oo Soomaali ah laga soo bilaabo Dekadda ilaa Dukaanka ugu hooseey, sidoo kale waxaa uu sheegay in ganacsatada ay ahaayeen kuwo mar kasta gacansiiya dadka dhibaateysan, wuxuuna xusay in ay ganacsi yar yar u abuureen qaar ka mid ah Dadka Soomaaliyeed, kuwaasi oo waxyaabaha ay ka helaan ganacsigaas ku nafaqeeya qoysaskooda.
Mr. Gabeyre mar uu ka hadlayay doorka ay ku yeelan karaan xoojinta nabadeynta waxaa uu sheegay in ay haatan ganacsatadu yihiin kuwa kaalinta mugga leh ka geystay in ay Muqdisho nabad noqoto.
C/llaahi Maxamed Shirwac oo ku hadlayey Magaca Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay Bulshadda Rayidka ay haatan diyaar u yihiin xoojinta nabadgalyada ka jirta dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho sidoo kale waxa uu sheegay in ay gacan ka gaysan doonaan sidii lagu soo dhaweyn lahaa Dowladda Fedaraalka iyo Golaha Maxaakimta, taasoo uu sheegay in lagu gaari karo nabad buuxda, waxa uuna u soo jeediyey Dowladda Federaalka iyo Golaha Maxaakiimta in ay ka wada qayb galaan shirka Khartuum.
Maryan Xuseen Maxamed Awreeye oo madax ka ah Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha ayaa ka hadashay doorka Haweenka uga banaan in la sii adkeeyo, waxayna sheegtay in haweenku ay hormuud iyo laf-dhabar u yihiin nabadeynta Soomaaliya, waxayna intaas ku dartay in Haweenka Soomaaliyeed ay door weyn ku lahaayeen halgankii loo soo galay madax banaanida Soomaalida, gaar ahaana ay dahabkooda u iibiyeen ka xoreynta gumeysiga ee dalkooda, sidoo kalena ay door muhiim ah ku leeyihiin nabadeynta xiligan Muqdisho iyo weliba nadaafadda ka socota Gobolka Banaadir.
“Haweenku waa in ay kuraastooda ka helaan dowladda, laga bilaabo hadana haweenku wey u istaagi doonaan in ay difaacdaan xuquuqdooda”ayay tiri Maryan Awreeye oo ragga siyaasiyiinta ah ku eedeysay in ay haweenka duudsiiyeen xaqii ay ku lahaayeen ka qeybgalka Dowladda.
Maryan Awreeye waxay u ololeysaa dhowrista Xuquuqda Aadanaha, waana Haweeneydii ugu horeysay oo ay dowladda Mareykanka siiso abaalmarin ay ku muteysatay u ololeynta Dhowrista Xuquuqda Aadanaha, iyadoo ay abaalmarintaasna ay guddoonsiisay Marwada koowaad ee dalka Mareykanka Mrs. Laura Bush.
Xubno kale oo ka socday Bulshada rayidka ayaa iyaguna shirka ka hadlay, waxaana ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka Haya'adda Tuba Nabadda Soomaaliyeed Mr. C/llaahi Maxamed Shirwac, Guddoomiyaha Hay'adda Isku Xirka Nabadda iyo Xuquuqda Aadanha INXA Mr. C/naasir Axmed Cusmaan, Guddoomiyaha Hay'adda Warbaahinta Bariga Africa qeybteeda Soomaaliya Mr. C/qaadir Maxamuud Walaayo, waxayna dhamaantood qeexeen muhiimadda ay leedahay in qeyb kasta oo bulshada ka mid ah ay ka qeyb qaadato xoojinta nabadda iyo degananta Muqdishp
Xildhibaan Axmed Diiriye Maxamed oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa dooddiisa ka dhiibtay shirka, wuxuuna sheegay in Hay'adaha Dastuuriga ah ee Dowladda ay ku dadaaleyso sidii nabad iyo deganaan loogu soo dabaali lahaa dalka, wuxuuna intaas ku sii daray in Golayaasha Baarlamaanka iyo Wasiirrada ay ku heshiiyeen in laga qeybgalo wejiga labaad ee wada hadallada u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka
Guddoomiyaha Machadka Soomaalida Sweden (Somali-Swedish Institute) C/risaaq Aadan oo ka mid ah aas-aasayaasha Machadka Nabadda Soomaaliyeed ayaa ka hadlay doorka Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool kaga aadan in la adkeeyo nabadda Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in Soomaalida dibadaha wax badan ka qaban karaan dalka haddii ay ahaan lahayd in ay Isbitaallo furaan, dugsiyo waxbarasho hirgeliyaan, isla markaana ay ka qeybqaataan dib u dhiska dalka.
Mr. C/risaaq Aadan waxaa uu ugu baaqay ka qeybgalayaashii shirka ka soo xaadiray in ay dhawaqa rasaasta ku bedelaan codad la isku weydaarsanayo fikrado ku saabsan sidii loo badbaadin lahaa nafta dad badan oo Soomaaliyeed, isagoo hoosta ka xariiqay in Soomaalida ay kaligood abuuran karaan nabad waarta.
C/risaaq Aadan wuxuu intaas ku daray in Soomaalida dibadaha ku nool ay ka soo horjeedaan faragelin lagu sameeyo Dalka Soomaaliya nooc kasta oo ay ahaato iyo in ciidamo shisheeye la geeyo, hayeeshee waxaa uu xusay inay Soomaalidu taageersan yihiin dhismaha Dowlad Midnimo-Qaran oo laga wada qeybgalay
“Waxaan diyaar u nahay in aan taageerno mashaariicda kala duwan ee looga shaqeynayo dhismaha nabadda dalka Soomaaliya iyo weliba dadaallada lagu soo celinayo adeegyadii Bulshada sida soo nooleynta goobihii Waxbarashada, Caafimaadka iyo sidoo kale caawinta dhibanayaasha Dagaallada Sokeeye”ayuu yiri C/risaaq Aadan oo sheegay in ay Soomaalida Dibadaha ku dhaqan doonayaan in ay taageero dhaqaale ku bixiyaan dib u dhiska dalkooda.
C/risaaq Aadan wuxuu dhanka kale sheegay in ay Soomaalida dibadda ku dhaqan qaarkood ay heystaan awood ay kula xiriiri karaan Safaaradaha Shisheeyaha, gaar ahaan kuwa ku yaala Dalka Sweden oo uu isagu ka yimid, si iyana looga helo taageerada Soomaaliya.
Intaas kadib wuxuu soo saaray Machadka Nabadda Soomaaliyeed baaq uu u jeediyay Dowladda Itoobiya oo uu kaga dalbaday in ay joojiso faragelinta ay ku heyso Dalka Soomaaliya, isla markaana ay ixtiraamto derisnimo wanaaga ka dhaxeeya labada dal.
“Waxaan aaminsannahay in Dowladda Itoobiya aysan dhexdhexaad ka ahayn khilaafka ka dhex taagan Soomaalida, isla markaana ay taageeradeeda hal dhinac ah ay noqoneyso mid soo celisa casharradii lama iloobaanka ahaa ee ka dhashay xasuuqii Rwanda”ayaa lagu yiri baaqa uu Machadka Nabadda soo saaray, iyadoo baaqa uu intaas ku sii darayo in soo gelitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya uu wiiqayo nabadda ka dhalatay Magaalada Muqdisho iyo weliba dadaallada xal doonka ee Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka uga furmay Dalka Suudaan.
“Waxaan ugu baaqeynaa Maxkamadaha Islaamka in ay maamul loo dhan yahay u dhisaan Gobolka Banaadir iyo gobollada kale ee ay maamulaan, iyagoo ka dhabeynaya ballanqaadyadii ay horay sameeyeen ee ahaa in ay howshooda nabadeynta gaarsiiyaan min heer Gobol ilaa heer Caalami” ayaa sidoo kale ku xusan baaqa uu Machadka soo saaray
Ugu dambeyntiina, Machadka Nabadda Soomaaliyeed oo la aas aasay 25-kii July 2004 ayaa wuxuu tababaray 280 dhalinyaro ah oo loo tababaray in ay sameeyaan Wacyigelin nabadeed, iyadoo sidoo kalena uu soo saaray Wargeys Nabadda ka hadla.