Wararka Maanta - Axad- April 09, 2006










· Sidee yahay Sawirka ay Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Qurbaha ku nool ka heystaan ku noqoshada Dalka Soomaaliya?
· Guddoomiye ku xigeenka Naadiga Kubadda Cagta Elman oo sheegay in uu u sharaxan yahay Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta
· Mid ka mid ah Raggii isku heystay Guddoomiyenimada Degmada Buulo Burte oo u tanaasulay Guddoomiyaha cusub ee Degmada












Sidee yahay Sawirka ay Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Qurbaha ku nool ka heystaan ku noqoshada Dalka Soomaaliya?

MAXAMUUD XUSEEN CALI (ABTIGIIS)Axad, April 09, 2006(HOL): Maxamuud Xuseen Cali oo ku magac dheer (Abtigiis) waxaa uu ka mid yahay dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka isaga tegay kadib markii ay dagaallada sokeeye ka bilowdeen, wuxuuna 15 sano oo uu ku noolaa Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo Mareykanka ka tirsan kadib uu haatan booqanayaan Magaalada Muqdisho.

Maxamuud hadda wuxuu booqasho gaaban ku joogaa magaalada Muqdisho, waxaana ii suurtagashay in aan kulan la yeeshay, isla markaana aan kala sheekeysto arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin farqiga u dhaxeeya sawirkii uu Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho ka heystay iyo sawirka oo uu dhab ahaan la kulmay markii caasimadda Muqdisho soo gaaray.

�Run ahaantii Soomaalida marka ay dibadaha joogaan waxay heystaan sawir aad u fool xun, waxaa loo sheegaa dalka in uu yahay meel dadka lagu dilo, lagu af-duubto, laguna dhaco, balse waxaan xaqiiqsaday in fikirkaas uu yahay mid been looga sheegayo dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho waayo aniga hadda 2 bilood ku dhawaad ayaan Xamar joogaa, waxaana si caadi ah u raacaa Gaadiidka BL-ka ah ee ay dadku raacaan, gaari gooni ah ma raaco, mana jiraan dad ammaankeyga sugaya�ayuu yiri Maxamuud Xuseen Abgtigiis oo sheegay in markii uu Muqdisho yimid ay wax badan iska bedeleen fikirkiisii hore, �haatan waxaan dhihi karaa indhihii ayaa ii fiiqmay waayo markii aan Minnesota joogay waxaan ahaan qof ka indho xiray xaaladda dalka�ayuuna hadalkiisa ku sii daray.

Abtigiis wuxuu ii sheegay in uu Muqdisho oo ay ugu dambeysay sanadkii 1991-kii uu haatan u yimid in uu soo booqdo hooyadiis oo Xamar ku nool, isla markaana uu todobaadkan inta uusan dhamaan uu dib ugu laaban doono meeshii uu ka yimid iyo dalka Mareykanka, inkastoo uu carrabka ku cel celiyay in wixii hadda ka dambeeya uu 6dii biloodba mar imaan doono dalka, si uu nolosha ula qeybsado eheladiisa iyo saaxibadiisa.

Waa dhab in qof dalka dibaddiisa muddo ku maqnaa uu sawir aan macquul ahayn ka heysanayo dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo caasimaddii dalka ah, waxaase xaqiiqda meesha taala ogaan kara qofkii yimaada sida Maxamuud Xuseen Abtigiis oo kale, kaasi oo loogu sheekeyn jiray in Muqdisho ay tahay meel ay joogaan dad faro baxay oo dadka dila, dhaca, isla markaana af-duubta.

Maxamuud Xuseen Cali (Abtigiis) sida uu ii sheegay waa nin si weyn looga yaqaano dalalka Mareykanka iyo Yurubta, gaar ahaan Dalka Sweden oo uu muddo sanado ah ku noolaa, taasina waxaa u suurtagelisay isagoo ah nin ciyaaryahan ah, isla markaana Kubadda Cagta si wanaagsan u xirfadeyn yaqaana.

Abtigiis markii uu sanadkii 1991-kii dalka Soomaaliya ka qaxay wuxuu 8 bilood kadib qaxootinimo ku tegay dalka Sweden, kadibna wuxuu ka mid noqday Kooxo Kubadda Cagta oo dalkaasi ka dhisan, 6 sanadood kadibna wuxuu u wareegay dalka Mareykanka, halkaasi oo uu kaga biiray Kooxo kale oo Kubadda Cagta ah, kuwaasi oo uu ilaa haatan ka tirsan yahay, isla markaana uu sanad kasta uga qeybgalo tartamo Isboorti oo loo dhigo.

Abtigiis waa nin Reer leh oo Xaas iyo Gabar ay u joogaan, wuxuuna hiwaayaddiisa Kubadda Cagta ka sokow uu dhigtaa College ku yaala magaalada uu degan yahay ee Minneapolis, sidoo kalena wuxuu aad ugu rajo weyn yahay in uu wax barto, si uu mustaqbalka wax isu taro, isla markaana uu dalkiisa iyo dadkiisa wax u taro.

Intii ay sheekada noo socotay Maxamuud Xuseen Cali (Abtigiis) waxaa uu ii sheegay dhac aad uga yaabisay oo uu la kulmay, taasi oo ku saabsaneyd dhac loo geystay nin bastoolad ku hubeysnaa oo mobile laga qaatay, kaasi oo inta dil geystay isna la dilay, �Maalin baa waxaa dhacday intii aan hadda Muqdisho joogay in nin bastoolad ku hubeysnaa laga dhaco taleefoon Mobile ah, kadibna intuu bastooladdii la baxay uu ninkii tuugga ahaa ku dilay markii uu ka sii jeestay, isagiina uu sii dilay nin kale oo la socday tuuggii Mobile-ka watay� ayuu yiri Abtigiis oo dhacdadaas u qaatay kuwo shil ah oo ka dhaca meelo badan oo Adduunyada ah.

Maxamuud waxaa uu ka hadlay dhibaatada ay Qurbaha ku qabaan dadka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in dhibaatadaas ay intooda badan ku dhacdo dadka qoysaska ah ee caruurta ay u joogaan, dadka waayeelka ah iyo kuwo xanuunsanaya oo haddii la keeni lahaa cadceedda Soomaaliya taala uu filayo in ay bogsan lahaayeen, �Wallaahi halkan haddii aan ka laabto waxaan geyn doonaa magaaladii aan ka imid sawir ka duwan midka ay heystaan Soomaalida Minnesota ku dhaqan, waayo sidii aan fikirka qaldan uga heystay ku soo noqoshada dalka oo kale ayay iyaguna u niyad jabsan yihiin�ayuu yiri Abtigiis.

Ciyaaryahan Abtigiis waxaa uu ka mid ahaa ciyaartoyda Naadigii Madbacadda, kadibna wuxuu ku biiray Xulka Junyariska Qaranka Soomaaliyeed, markii dagaallada sokeeye dalka ka dhaceena wuxuu ka mid noqday Naadiyo Kubadda Cagta ah oo ka kala dhisan Dalalka Mareykanka iyo Sweden, kuwaasi oo uu koobab kala duwan la qaaday.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia 





 




Guddoomiye ku xigeenka Naadiga Kubadda Cagta Elman oo sheegay in uu u sharaxan yahay Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta

Axad, April 09, 2006 (HOL): Waxaa maanta lagu qabtay Xarunta Naadiga Kubadda Cagta ee Elman xaflad lagu soo bandhigayay Musharaxnimada Guddoomiye ku xigeenka Naadiga Axmed Nuur Xasan Cabdulle oo doonaya in uu noqdo Guddoomiye ku xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta.

Xafladdaas waxaa ka qeybgalay mas'uuliyiin ka socotay 25 Naadi oo ah kuwa aas aaska u ah Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, wuxuuna ujeedada la isugu yeeray Mas'uuliyiinta Naadiyayadaas uu Guddoomiyaha Naadiga Elman Xasan Axmed Cabdi ku sheegay in ay tahay sidii ay u ogaan lahaayeen in guddoomiye ku xigeenka Naadiga Elman Axmed Cabdulle uu yahay musharax u taagan guddoomiye ku xigeennada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta.

GUDDOOMIYAHA NAADIGA ELMANGuddoomiyaha Naadiga Elman Xasan Axmed Cabdi waxaa uu sheegay in 25-ka Kooxood ee uu ka kooban yahay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ay dan ugu jirto in Isboortiga Soomaaliyeed, gaar ahaan Xiriirka ay hoos tagaan uu noqdo mid sharaf leh oo la aqoonsan yahay, wuxuuna tilmaamay in taasi lagu gaari karo is-aaminaad iyo kalsooni ay isu muujiyaan mas'uuliyiinta Naadiyada oo iyagu ah kuwa mas'uuliyiinta Xiriirka Kubadda Cagta soo dooran doona, si toos ah ayuuna uga codsaday in ay taageeraan musharaxooda.

Intaas kadib waxaa ka hadlay xafladda Guddoomiyaha Kooxda Beder C/raxmaan Cadaay oo ku hadlayay magaaca mas'uuliyiintii 25-ka Kooxood ee madasha isugu tagtay, wuxuuna sheegay in aysan iyagu mucaaradsaneyn musharaxnimada Guddoomiye ku xigeenka Naadiga Elman uu ku doonayo in uu noqdo Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, isla markaana ay soo dhaweynayaan, wixii uu nasiibkiisa ku helana aysan ku colaadin doonin, weliba ay la shaqeyn doonaan.

Sidoo kalena C/llaahi Aabow Xuseen oo ah Guddoomiyaha Kooxda Kubadda Cagta Bariga Dhexe ayaa isaguna dardaaran u jeediyay musharaxa isu soo taagay guddoomiye ku xigeenimada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, �Haddii aad Elman oo wax heysata aad soo dhexgashay waxaan kaa codsaneynaa in aadan indhaha ka qabsan kooxaha kale ee masaakiinta ah, isla markaana aad boorka ka jafto�ayuu yiri C/llaaho Aabow.

GUDDOOMIYE KU XIGEENKA NAADIGA ELMANUgu dambeyntiina waxaa munaasabadda ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Naadiga Kubadda Cagta Elman Axmed Nuur Xasan Cabdulle oo ah musharaxa isu soo taagay xilka Guddoomiyenimada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, wuxuuna sheegay in haddii uu ku guuleysto xilkaas uu wax badan ka qaban doono baahi ay qabaan bahda Isboortiga Soomaaliyeed, si gaar ahna wuxuu u xusay in uu aqoonteeda leeyahay, �Walaalayaal haddii uu jiro qof iiga wanaagsan xilkan oo aad wadataan waan uga harayaa, waxaanse idiin sheegayaa haddii aad i doorataan in aysan jiri doonin maamul xume dambe�ayuuna yiri Axmed Nuur Xasan.

Axmed waxaa uu ka hadlay Taariikhdiisa Isboorti, wuxuuna sheegay in uu 1979-1980 uu ka tirsanaa Naadigii Wagad, sanadihii 1985-1988-kiina uu garsoore Kubadda Cagta ah soo noqday, wixii xiligaas ka dambeeyayna uu dalka dibaddiisa howlo waxbarasho iyo ganacsi isugu jira uu aaday, gaar ahaana dalka Ingiriiska, ilaa uu wixii ka dambeeyay sanadkii 2000 dib ugu soo laabto horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed.

Kadib markii la ogaaday firfircoonidiisa iyo howlkarnimadiisa Isboorti ayaa Axmed Nuur Xasan loo doortay in uu noqdo Guddoomiye ku xigeenka Naadiga Kubadda Cagta ee Elman oo uu ilaa haatan ka tirsan yahay. Axmed Nuur mar uu ka hadlayay sababta ku dhalisay in uu xilka isu soo taago ayuu sheegay in ay ku dhiirigeliyeen qaar ka mid ah mas'uuliyiinta Isboorti ee Soomaaliyeed, iyadoo dhiirigelintaasna ay si weyn u soo shaac baxday ciyaaro uu Xulka Qaranka Soomaaliyeed u tegay Magaalada Kigali ee dalka Rwanda, halkaasi oo uu Axmed Nuur geeyay Ciyaartoy Soomaaliyeed oo uu ka soo xulay Naadiyo ka dhisan dalalka Holland iyo Ingiriiska.

Si kastaba Arrintu ha ahaatee, waxaa maalmahaan magaalada Muqdisho ka socda xaflado ay dhiganayaan musharixiin dooneysa in ay madax ka noqdaan Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo la filayo in 15-ka Bisha May ee soo socota la qabto doorasho dib loo habeynayo Xiriirka, waxaana ilaa haatan Guddoomiyenimada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta u taagan Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), Yaasiin Abuukar Cariif, Muxudiin Xasan Cali Gaabow (Darbaweyne), C/llaahi Axmed Tarabi iyo xubno kale.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia 






 




Mid ka mid ah Raggii isku heystay Guddoomiyenimada Degmada Buulo Burte oo u tanaasulay Guddoomiyaha cusub ee Degmada

Axad, April 09, 2006 (HOL): Munaasabad si weyn loo soo agaasimay, ayna ka soo qeyb galeen guddiga dhex dhexaadinta khilaafkii degamada Buula Burte iyo marti sharaf kale ayaa markii ugu horeysay waxaa si rasmi ah loogu wareejiyay Xilka Gudoomiyaha degmada Buula Burte Col. Xasan C/dule (Gaar Gaar) oo dhawaan gudiga dhax dhaxaadintu ay magacaabeen

Xuseen Barre Raage oo ah Mas'uulikii dhowrka Bilood ka hor ay u soo magacaawday degmada Buula Burte Dowlada federaalka, oo ka mid ahaan xubnihiika qeyb galayay musaabada ayaa si kooban uga hadlay xaalada degmada iyo xasaradihii Maalmihii aynu soo dhaafnay ka taagnaa, Isagoo tilmaamay in ay jireen dad danahooda gaarka ah doonayay in ay u adeegsadaan dan guud ee ka wada dhaxeysa sida uu hadalka u yiri dadka degmada, walow oo uusan cid si gaar ah carabka ugu dhufan, waxaana uu intaa sii raacayay in Ilaah mahadii ay tahay in hadda arintaa dadka degmadu ay garteen.

Hadalka Xuseen Barre Raage oo si gaar ah diirada loogu hayay ayaa uga mahad celiyay guddigii dhex dhexaadinta waday si ay isugu howleen nabad la helo taasoo ayuu yiri ah door saliim ah oo loo baahan yahay, intaas kadib ayuu Xuseen Barre Raage si cad ugu dhawaaqay in uu soo dhaweynayo Magacaabista Gudoomiyaha isla markaana uu ku wareejiyay mas'uuliyaddii maamulka Degmada.

Mar Dhanka kale uu soo hadal qaaday Dagaalladii u dambeeyay ee ka dhacay degmada waxaa uu tilmaamay in ayaan daro weyn ay tahay in dadku isku dilo wax aan micno ahaan la garaneyn waxa ay ku fadhiyaan, iyadoo loo baahan yahay ayuu yiri in awoodda noocaa oo kale ah loo wareejiyo sidii wax looga wada qaban lahaa kooxaha dhibatada ku haya dadka rayidka ah oo markaa uu ula jeeday Burcadda.

Inkastoo munaasabadaasi aheyd mid si weyn loo soo dhaweeyay ayaa haddana waxaan ka soo qeyb galin Gudoomiyihii hore ee degmada C/iidow Sabriye oo xitaa wali aan si qayaxan uga hadlin sida uu u arko magacaabintan la sameeyay.

Si kastaba Degmada Buulo Burte oo ah degmada labaad ee ugu ballaaran Gobolka hiiraan, ayaa marka aad soo gasho waxaa markiiba dhagahaaga ku soo dhacaya saameynta Bulshada degmadaasi ay ku yeesheen khilaafadkii ugu dambeeyay sida hada wax u socdaan oo ruux walba marka aad la sheekeysato uu wax kuugu sheegayo sida ay isagu la tahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn , Somalia






 



Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright � 2006 Hiiraan Online