Tacsida Marxuum Dr. Abdullahi Mohamed Barre "Keneeco" Afgoye, Somalia

Waxaa 13-kii bisha May 2015 isbitaal ku yaalla inta u dhexeysa Afgooye iyo Muqdisho ku geeriyooday Dr Cabdullaahi Maxamed Barre oo loo yiqiinnay Kaneeco ama Wirif. Waxaa 14-ka May 2015 lagu aasay Afgooye oo ay ku aassan yihiin aabbihii Mohamed Barre Jimale iyo hooyadii Nuuriyo Kuulle.

Dr Kaneeco wuxuu ahaa dhaqtar weyn oo xannaanada xoolaha (veterinarian) oo wax ku bartay wadammada Poland iyo Mareykanka. Wuxuu ku dhashay Muqdisho bishii August 1936. Markuu dhammeeyey iskuulka koowaad iyo kan dhexe, wuxuu noqday macallin, isagoo sannadihii 1956-1959 macallin ka ahaa gobolka Shabeellada Hoose. Bishii Oktoobar 1954, wuxuu ka mid ahaa ardaydii loo xulay calansaarka Soomaaliya, wuxuuna xusuusan jiray inay xirnaayeen dhar cad-cad, ayna qaadayeen shicir ku saabsan xornimada Soomaaliya. Wuxuu markii dambe ka baxay dugsiga sare ee Ragioneria sannadkii 1962. Isla bishii Oktoobar ee sannadkaas, wuxuu helay deeq waxbarasho ee dalka Poland, isagoo halkaas kala soo noqday bartamihii 1969 shahaadada MSc ee daaweynta xoolaha. Xukuumaddii Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa isla markiiba xil sare uga magacaabay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha.

Markii uu militarigu xukunka qabsaday, wuxuu ku jiray mutacallimiintii loogu yeeray inay xoghayeyaal ka noqdaan dowladda, wuxuuna ahaa ninkii keliya ee diiday ee ku yiri Golihii Sare ‘waxaan ahay nin dhaqtar ah oo professional ah, mana rabo inaan siyaasad lugaha la galo’. Muddadii militariga xukunka hayey, wuxuu sii watay shaqadiisii dhaqtarnimo. Wuxuu ka soo shaqeeyey magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa, Kismaayo, Baydhabo iyo Beledweyne. Wuxuu markii dambe helay deeq waxbarasho dalka Mareykanka, isagoo sannadihii 1984-1986 dhiganayey Jaamacadda University of California at Davis, halkaas oo uu mar labaad ka qaatay shahaado kale oo MSc ee daaweynta xoolaha, isagoo ahaa full-bright scholar. Wax yar kaddib markuu dalka ku soo noqday waxaa lagu daray dadkii loo diray howlgabka.

Muddadii dagaalladu dalka ka socdeen, wuxuu ku adkeystay inuu ku noolaado dalka gudihiisa. Wuxuu aad ula xanuunsanaa dhibaatada maanta Soomaalida haysata. Markii ugu dambeysay oo carruurtiisu damceen inay u soo qaadaan Mareykanka, wuxuu ku adkeystay inuu ku dhimanayo dalkiisa. Intuu noolaa wuxuu guursaday saddex xaas, wuxuuna ifka uga tagay 12 carruur ah oo ka kooban wuxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen. Wuxuu ahaa nin af-gaaban, naxariis badan, xalaal-quudato ah oo wardi badan, kuna xiran Ilaaheey. Waxaa geeridiisa looga tacsiyeynayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, qoyskiisii, qaraabadiisii iyo asxaabtiisii meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Ilaaheey waxaa looga baryayaa inuu Jannadii Fardowsa ahayd ka waraabiyo, aamiin.

Fadlan halkaan ku dhaaf tacsida Marxuum Dr. Cabdullahi Maxamed Barre "Kaneeco")


Tacsida Marxuumad Jamaad Axmed siyaad

Allaha u naxariistee waxaa Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ku geeriyootay HOOYO JAMAAD AXMED SIYAAD. Waxaa tacsideed la ogeysiinayaa dhammaan eheladiis meel kasta oo ay joogaan. Waxaanan ilaaheey uga baryeynaa in jannadii fardowsa ka waraabiyo. AAMIIN

Fadlan halkaan ku dhaaf tacsida marxuumad JAMAAD AXMED SIYAAD