
Abwaan Yuusuf Maxéd Muumin(Yuusuf
Yare) Oo ka mid ahaa Abwaaniinta Heerka Qaran
Ee Soomaalida Ayaa 12ka Nov 2005ta Wuxuu Buuxiyay
Afartan Jir, Sidoo Kale Riwaayadiisii Ugu
Horeysay Ee Lagu Soo Bandhigo Golaha Murtida
Iyo Madadaalada Ayaa Iyaduna Sideed Iyo Toban
Jirsatay Waayo 12kii Nov Sanadkii 1987dii
waxay ahayd Habeenkii ugu horeeyay Ee Tiyaatarka
Laga Daawado riwaayad uu abwaanku curiyay,
Hadaba Hiiraan Online ayaa waraysi aad u
dheer ka qaaday Abwaanka isagoo cod ahna ka
dhagaysta halkan
Wxaan jecelnahay in aan dadweynaha u soo
koobno taariikhda Abwaanka qaaliga ah.
Abwaan Yuusuf Maxéd Muumin Wuxuu Ku
Dhashay Degmada Jamaame 12kii Nov Sanadkii
1965tii Wuxuu Malcamada Quraanka Iyo Waxbarshadiisa
Dugsiyada Hoose Dhexe Iyo Sareba Uu Ku Dhameystay
Magaalada Kismaayo Gaar Ahaan Dugsiyada Farjano
Iyo Ganaane,Waxbarshadiisii Heerka Jaamacadeedna
Wuxuu Dhigtay Kuliyada Siyaasadda Iyo Saxaafada
Ee Jaamacada Umadda Soomaaliyeed, Wuxuuna
Fanka Ku Soo Biiray Isagoo 20 Jir Ah Wuxuuna
Safka Hore Ka Galey abwaaniinta Heerka Qaran
Ee Soomaalida
Halkaan ka dhageyso Hees ka mid ah heesaha uu ku soo caan baxay abwaanka:
Waa heestii DHABTA I SAAR - Shamuuri iyo Saado Cali
Abwaan
Yuusuf Yare Waa Ninkii UguHoreeyey ee Dadaas
Magac Iyo Heybad Kaga Kasbada Umadda Soomaaliyeed
Iyo Guud Ahaan Bulshada Fanka Awoodiisana
La Wada Qiro, ilaa Heer Lagu Tilmaamo Iney
Muuqiisa Iyo Maskaxdiisu Kala Weyn Yihiin.
Abwaan Yuusuf Yare Waa Abwaankii Ugu Horeeyey
Ee Ku Dhasha Degmada Jamaame Ee Ka Mid Noqda
Mu'alifiinta Xigmadoodu Hana-qaado, Lagana
Aqoonsado Hooyaddi Fanka Hoboladii Waaberi
Ee Ahayd Horyaalka Fanaaniinta
Abwaan Yuusuf Yare Waa Abwaankii Ugu Horeeyay
Ee Suugaantiisa Iyo Heesihiisa Cilmiga Kimistariga
Ku Dabaqo Sida Aad Ka Dha-dhansan Kartaan
Heeska Foloriin Ee Ay Ku Wada Luqeeyaan Fanaaniinta
Maxéd Aadan Shamuuri Iyo Saado Cali
Warsame Ereyadiisuna Ay Ka Mid Yihiin
Foloriinka Curiyaha...Fir-fircooni Caanaa....Taxa
Looga Celiyaa....Cidla Loogu Oodoo...Looga
Dhigay Mid Cirib Go'án......Adiguna
Cadkiisii ....Yaanu Fudeyd Ku Ceyriyin
Abwaan
Yuusuf Maxéd Muumin Waa Xaas Waxa Uuna
Leeyahay 7 Caruur Ah Waxa Uu Degan Yahay Dalka
Iswiidhan Caasimadiisa Istokholm Waxaanan
U Direynaa Hambalyo hadaynu nahay Bahda Hiiraan
Online Sidoo kale waxaa u hambalyeynaya Amiin
Amir oo ah farshaxaniistaha weyn ee Somaaliyeed
waxaa kaloo hambalyada soo gaarsiiyay fanaaniin
fara badan
Cidii Doneyso Iney Abwaankooda La Xiriirto
Ama U Hambalyeyso Kala Xirii E-mail:yusuf_mumin@hotmail.com
Waraysiga Codka ah ayaad kaga bogan doontaan
faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Fanka
iyo taariikhda abwaanka iyo waliba riwaayado
badan oo uu soo wado abwaanka waxaana ka qaaday
waraysiga Daadir Xalane oo ka mid ah Bahda
HOL
Hiiraan Online
|