Isniin August 15, 2005
|
Minneapolis, MN - (HOL) Kulan ballaaran oo gundhigiisu ahaa in dhaqaale loo yabooho Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorame, ayna isku soo dubba rideen Amoud Foundation ayaa sabtidii bishan August ay lixda aheyd ku qabsoomay hoolka shirarka ee machadka sharciyada ee Walter Mondale oo raacsan Jaamacadda Minnesota. Gogol xaarkii kulanka waxaa daraasad Camuud ku saabsan soo jeediyey Mudane Sacad Ismaaciil Samatar oo qaban qaabiyayaasha kamid ahaa. Camuud waxeey ahaan jirtay dugsi sare oo tayo, sumcad iyo maamuus ku dhex leh Somaliya ka hor intaaneey u xuubsiiban Jaamacad 1998-dii. Saddex professor oo uu ku jiro hormuudka Camuud, Mudane Suleyman Axmed Guled ayaa dhidibada u aasay. Sideed sano kadib, Camuud waxeey hooyo u tahay dhallaanka Jaamacadaha ka burqaday daafaha Somaliya, gaar ahaan koonfurta. Waxeeyna kaloo soo saartaa macallimiinta ugu tayada badan ee Somaliland & meela koonfurta Somaliya ka tirsan dugsiyadeeda wax ka dhiga. Dhamaadkii kulanka, ku dhawaad labaatan kun oo dollar ayaa goobtii looga yaboohay Jaamacadda Camuud oo qeyb ahaan ku tiirsan sadaqada shakhsiyaad iyo hay’ado ay ugu horeyso Amoud Foundation. Mudane Suleyman-na waxaa u billowday safarro yabooh-doon ah oo uu ku kala bixin doono daafaha Waqooyiga America.
Jaamcadda Camuud waxaa la furay 4-tii November sanadkii 1998-dii, waana middii ugu horeysay ee laga furo Somaliya qaran-jabkii kadib. Inkastoo lix todobaad kadib Xamar looga dhawaaqay Jaamacadda Muqdidsho. 60 arday oo 9 kamid ah ay dhedig yihiin ayaa lagu askumay. Maantana, 600 oo arday, oo 120 kamid ah ay gabdho yihiin ayaa subax walba u kallaha fasallada Camuud University. Sanakan oo qura, 132 arday ayaa ka qalin jabiyey Jaamacadda Camuud. Inkastoo Camuud ay soo saarto gabdho badan oo aqoon heer Jaamacadeed ka gaarsiisan, misana gabdhahaas, sida qabanqaabiyayaashu sharaxeen, kuma raagaan Boorame. “Maxaa yeelay Boorame waxeey noqotay meel dalka iyo dibadaba gabdhahaas waxbartay loo soo guur doonto” ayuu Mr. Sacad Ismaaciil Samatar si kaftan ah u yiri. Tilmaan ahaan, Camuud 3 kilomitir ayeey magaalada Boorame ee gobolka Awdal u jirtaa, oo basas ayaa ardayda daldala. Ardayda dhigataa Somali kaliya ma ahane waxaa ku jiraa Jabuutiyaan iyo Itoobiyaan. 50 Professor ayaa si rigli ah uga howl gala Jaacadda, inkastoo shaqaalaha ay guud ahaan 92 dhan yihiin.
“Jaadkii iyo Jaamacadii baa is haya!”
Yaa bixiya miisaaniyadda Jaacadda? Waa su’aal uu qof walba is weydiin karo. Sida uu Professor Suleyman sheegay, miisaaniyadda howlgalka Camuud waa ku dhawaad $190.000 (boqol iyo sagaashan kun) oo dollar sanadkii. 70% kamid ah waxaa daboola qiimaha ardayda laga qaado sanadkii oo $400.00 ah, 30% -ka kalena shakhsiyaad iyo hey’ado ay Midowga Yurub & Unisco kamid yihiin ayaa dabbara. Qiimaha ardayga ayaa ka soo billowday $80.00 billowgii waayaha Camuud University. Mar alla iyo marka ay saraakiisha Camuud is yiraahdeen kordhiya qiimaha ardaygu bixiyo sanadkii, caqabad weyn ayeey ku noqoneysay ineey ku qanciyaan waalidiinta. “Markaas ayaanu maalin isugu yeernay dhamaan ardaydii oo dhan oo aan weydiinay ‘ mid kee ayuusan waalidkiis Jaad cunin? ‘ “ ayuu sharaxay Professor Suleyman “ in ka yar 10% ayaa gacanta taagay, markaas baannu ku niri ‘ waalidkiin u sheega ‘Jaadkiii iyo Jaamacadii baa is haya’ “ ayuu raaciyey.
|
|
Ka sokow aqoonta tayada leh ee Jaamacadda Camuud lagu barto, shakhsiyaad tayo leh ayaa ka soo qalin jabiyey markii ay dugsiga sare aheyd. Professor Cali Khalif Galayr oo kamid ah xeyn siyaasiyiin iyo aqoonyahanno ka soo qali jabiyey ayaa kamid ah, goobtana joogay oo ka hadlay. Shakhsiyaad ay kamid yihiin: Madaxweynaha Camuud, Professor Suleyman oo ay kontomeeyadii Professor Galayr qol wada daganaayeen, Siyaasiga Axmed Siilaanyo, Siyaasiga Suleyman Gaal iyo Wariyaha BBC-da Axmed Xassan Cowke iyo kumanaan kale ayaa Camuud ku abtirsada. Professor Galayr oo meesha ka hadlayey ayaa aad u soo dhaweeyey fikradda lagu taagerayo Dugsigiisii sare ee Camuud ee Jaamacada u xuubsiibtay. Mr. Galayr ayaa ku celceliyey sida ay lagama maarmaan u tahay in la taageero jaamacadaha ka hanaqaaday Soomaaliya oo dhan, “iyadoo aan la siyaasadeeyn” ayuu yiri. Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in aan jaamacadaha loo eegin in ay kuwa diineed yihiin iyo inkale “Maxaa yeelay jaamacadaha caanka dunida ka ah maanta waxaa billaabay wadaado masixiiyiiin ah, illaa hadana qaarkood gacanta ku haya” ayuu sharaxay. Hadalka Mr. Galayr ayaa jawaab u ah guux soo badanayey oo ku saabsan in Jaamacadaha & dugsiyada Soomaaliya qaarkood ay horkacaan wadaado diineed wax ku soo bartay dalal carbeed. Dr. Galayr ayaa sii sharaxay in mararka qaarkood “la isku dayo in jaamacadaha qaarkood lala xiriiriyo argagixiso” ayuu yiri “Waar qolooyinkiinaan ku qaraabanaya Soomaaliyaa argagixisa joogtaa, Mareykan beentaas dib dambe u dhageysan maayo, argagixisana Soomaaliya ma joogto” ayuu cod dheedheer ku raaciyey. Hadalkan ayaa isna sidoo kale loo fasiran karaa jawaab toos ah oo ku socota firfircoonayaal ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee Minnesota oo shirar badan ka sheegay in Soomaaliya eey ka jiraan kooxo argagixisada caalamka xiriir soke la leh.
Jaamacadda Camuud yididiileheedu ma xuma; 70 Computer oo leh xiriirka Internet-ka ayaa yaalla Maktabadeeda. Ardaydu si bilaash ah ayeey ku meereystaan badweynta Internet-ka. Kuliyadda macallinimadeeduna waa midda ugu ifafaalaha fiican marka loo eego kulliyadaha kale ee dalka ka jira, malaha taas ayaana xiisa galisay Midowga Yurub oo si gaar ah u maal galiya kulliyadaas. Mashaariic waaweyn oo ay kamid yihiin in Jaamacadda lagu soo daro Xarunta Xallinta Khilaafaadka (Conflict Resolution Center) iyo Xarunta Luqadaha (Language Center), gaar ahaan Soomaaliga macmil-ka sii noqonaya ayaa imminka u qoondeeysan saraakiisha Camuud, mudanna in lagu garab galo.
Ugu dambeyntii waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyey Professor Suleyman Axmed Guled, mid kamid ah aasaasayaashii Camuud, isagoo Boorame joogana ay maskaxdiisa ka soo maaxatay inuu dugisigii Camuud uu jaamacad u beddelo. Mr. Guled waa aqoonyahan aftahan ah. Waxbarashadiisii wuxuu ku soo qaatay Emporia University oo Kansas, Mareykan ku taalla, Masters Degree-na ka London University oo London, U.K ku taalla ayuu ka soo helay. Camuud arday iyo macallin-ba wuu ka soo noqday, bari-samaadkii. Sidoo kale, Lafoole ayuu macallin ka soo noqday, intaanuu markii dambe noqon sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaraddii Waxbarashada ee Soomaaliyeed. Mr. Guled, oo ah nin dheer oo cod furan, miraayado madowna xiran, wuxuu sheegay in markii ay Camuud fureen ay laba caqabadood oo waaweyn hor istaageen. Mid waa la xalliyey, tii kalase wali waa sideedii:
-
Sidii shacabka reer Boorame looga dhaadhacsiin lahaa in Jaamacad aqoon, manhaj iyo shahaadooyin leh la furayo. Caruur & cirroole ayaa ku qoslay. Dad aad u yar ayaa soo dhaweeyey fikradda Jaamacadda.
-
Buufis: Dhallinyaradii da’ada Jaacadda gaaray oo badankood safar-doon yihiin, Sponsor-na uu qabyo u yahay.
Caqabadii hore waa la xaliyey, inkastoo xoogaa farsamo ah lagu dheehay: Professor Guled wuxuu sheegay in ay ardayda Jaamacadda Camuud ay ku dareerin jireen wadooyinka Boorame, iyagoo ku raran buugaagtoodii, si ay shacabka Magaaladu ula qabsadaan saxansaxada aqoonta iyo aqoon-doonayaasha-ba. Laakiin caqabadii labaad wali lama xallin: Cilmi baaris ay Camuud dhawaan sameysay ayeey ku ogaadeen in 92% ardaydu ay buufis safar qabaan, bixitaan-na uu qabyo ka yahay. Ifafaale fiican ma ahan. laakiin Mr. Guled sida wax looga qaban karo ma uusan qeexin.
“Jaamacadahaa Dad Isugu Dhow ! “
Jaamacadaha Somaliya guud ahaan ku yaalla, oo dhowr iyo toban imminka gaaraya, ayaa leh xiriir saaxiibtinimo oo ka xalaalsan kan ay bulshada inteeda kale leedahay. Sida uu Professor Guled sharaxay, Camuud iyo jaamacadaha kale ee Muqdisho, Boosaaso, Hargeysa & Burco ku yaalla wada shaqeyn iyo waliba iskaashi ayaa dhex mara. Tusaale ahaan, Kuliyadaha Caafimaadka ee Camuud University iyo Benadir University si toos ah ayeey isula shaqeeyaan. Bilaha soo socda ayeeyna Boosaaso ku kulmi doonaan shan Jaamacadood oo Somaliya ku kala yaal. Professor Guled oo kaftamaya, laakiin aysan dhabtu ka marneyn ayaa yiri “Duruufaha jira markii la eego, [jaamacadahaa-ba] dad isugu dhow!”. Taas waxaa sii taageeraya kulamada joogtada ah oo eey leeyihiin Jaamacadaha Somaliya ku yalla, kuwaas oo si kalsooni leh isaga goosha xuduudaha beeleed iyo kuwa siyaasadeed-ba.
Jaamacadda Camuud oo xafladeedii furitaanka aheyd ay $2000.00 oo dollar ay ugu deeqday shirkadda Dahabshiil waxeey maanta irdeheeda ballacoodii u furtay kordhinta aqoonta tayada leh. Sideed sano oo kadib, 50 macallin oo gunno yar qaata, ha yeeshee badanaa si iskaa wax u qabso ah ku shaqeeya ayaa maskaxdooda, muruqooda iyo maalkooda galiya. Ku dhowaad 100.000 (Boqol kun) oo buug, joornaal, iyo cajalado ayaana dhex ceegaaga maktabadda Jaamacadda Camuud. Mr. Sacad Ismaaciil Samatar oo isagu xirfadle ku ah cilmiga maktabadaha, Mareykankana uga shaqeysta ayaa yiri, isagoo reer Galbeedka la hadlaya “Inta aad sunta warshadaha ee halista ah nagu soo daadin lahaydeen, buugaag & majallado noogu soo beddala !”.
Sida uu Professor Suleyman ka dhawaajiyey, Jaamacadda Camuud waxeey kaloo nasiib u yeelatay ineey ku taallo magaalo lagu doodi karo ineey tahay caasimadda aqoonta Soomaaliyeed, mar hadii eey iskuullo indhoolayaasha iyo kan dhagoolayaashaba leedahay.
Jaaliyadda Awdal ee reer Minnesota ayaa ugu dambeyntii Professor Suleyman gudoon siiyey abaal marin howl karnimo, uguna yaboohay ineey la shaqeyn doonaan.
C/raxman Ceynte
Hiiraan Online
Minneapolis , MN
E-mail:
[email protected]