Minneapolis ,
MN (HOL). Xarunta
Waxbarashada Soomaaliyeed
oo Minnesota ku
taalla waxeey
kamid tahay xarumaha
faraha badan ee
Jaaliyadda Soomaalida
u adeega ee Gobolkan.
Ha yeeshee shaqada
eey xaruntani
qabato ayeey dad
badani ku doodayaan
ineey tahay midda
ugu muhiimsan
ee Jaaliyadda
nafciga ugu badan
u soo celisa.
Somali Education
Center waxaa dhidibada
si rasmi ah loogu
aasay bishii October
ee sanadkii 2001-kii
iyadoo hadaf sahlan
wadata: Si dhallaanka
Soomaaliyeed ee
ku dhibka qaba
maadooyinka English-ka,
xisaabaadka iyo
Sayniska iskuullada
lagu dhigo looga
caawiyo. Laakiin
affar sano kadib,
xaruntu waxeey
u xuubsiibatay
saldhig aqooneed
oo baaxad weyn
oo habeen iyo
maalin-ba ku howlan
ka haqab tiridda
Jaaliyadda Soomaaliyeed,
oo isugu jira
caruur iyo dad
waaweyn-ba, maadooyinka
aan soo sheegay.
Jaamacad
Boqorada Ingiriisku
Dhigtaan oo Wiil
Soomaali ah Qaadatay.
Eton College
oo ay dhigtaan
kana soo baxeen
ilmaha boqorada
sida Princes William
iyo Harry, ayaa
waxay k amid tahay
kolleejooyinka
ugu qaalisan dunida.
Waxaa aasaasay
boqorkii Henery
VI sanadku markuu
ahaa 1440.
Eton waxeey imminka
isu diyaarineysaa
ineey soo dhaweyso
Cabdiraxman Sudi
oo ah wiil Soomaaliyeed.
Cabdiraxman Sudi
wuxuu imminka
dhigtaa Moat Community
College, Wuxuuna
ku guuleystay
deeq waxbarasheedka
Joe Burrell Bursary
oo qiimaheedu
dhan yahay 27,000
(labaatan iyo
todobo kun) oo
Giniga Istarliinka
ah sanadkiiba,
ka gadaal markii
uu kaalimaha koobaad
ee A-da si isdaba
joog ah uga galay
dhamaan maadooyinka
uu Moat Community
College ka qaato.
Cabdiraxman Sudi
oo 16 jir Soomaliyeed
ah wuxuu dhar
iskuulkiisa (uniform)-ka
ku kici doonaa
qiimo ka badan1,000
(Kun Pound).

|