Mashruucii Indhafiiqa oo si habsame uga hirgalay Magaalada Beled Weyne
Waxaa maalintii Jimcaha oo ku aadanayd 22ki October 2004 booqasho ku tagay Isbitaalka Indhaha ee Kikuyu ee magaalada Nairobi Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif iyo wafdi uu hogaaminaayo. Booqashadan waxa uu ugaasku ugu talagalay mahad celin uu u mahadcelinaayo qaybta indhaha ee Isbitaalka Kikuyada oo mudo hada ka badan 7sano howlaha indha fiiqa ka waday gobolka Hiiraan. Safarki ugu dambeeyay oo ay ku tageen magaalada B/weyne intii u dhaxeysay 4-8dii October ayaa waxaa halkaas indhaha loogu fiiqay in ka badan 370.
Suuro galinta mashruucan waxaa iska kaalmaystay hay'adaha Zam Zam Foundation, Mercy-USA for Aid and Development iyo Hiiraan Development Agency oo dhamaantood iska kaashaday qaabkii ay howshaas si xarago leh ugu dhici lahayd.
Kooxda barnaamijka samaysay ayaa waxay mahad gaar ah u celinaayaan dhamaan dadwaynaha reer B/weyne oo uu ugu horeeyo Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif sida ay iskaga xilsaareen howshaan muhiimka ah. Waxaa kale oo mahad gaar ah loo celinaayaa hay'ada Hiiraan Development Agency oo iyada iska xilsaartay qaabki ay u heli lahayd taageerada iyo dib u soo noolaynta mashruuca indha fiiqa kadib markii ay mudo hal sano iyo bar oo hakasho ah mashruuca soo dhex gashay.
Hay'adaha Mercy-USA iyo Zam Zam Foundation ayaa si rasmi ah ula sixiixday qaybta indhaha ee Isbitaalka Kikuyu sidii ay howshooda u xoojin lahaayeen magaalada B/weyne isla markaana ay howl cusub uga bilaabi lahaayeen magaalada Muqdisho. Bisha October 24keeda ayaa labadan hay'adood ee Zam Zam iyo Mercy-USA ka bilaabeen mashruuc indhaha loogu fiiqayo in ka badan 500 oo ruux Isbitaalka Carafaat ee magaalada Muqdisho
Fatxudiin Cali Oosbito
Nairobi, Kenya
E-mail: fathudin2000@yahoo.com |