Xawaaladda DAHABSHIIL - Money Transfer
   

Qeybta lagu iibiyo dharka jumlada ah oo gebi ahaanba dabku uu baabi'iyay

 

Axad, April 11, 2004

Holac iyo qiiq is-qabsaday ayay dadka Muqdisho xalay ka war heleen abaarihii 10-kii habeenimo, iyadoo dadka badankiisna ay isu diyaarinayeen in ay seexdaan, si ay subaxdii ugu kalahaan shaqooyinkooda, wuxuuna warkii ugu horeeyay ee ka soo baxay badhaanta holacaas uu noqday in uu gubanayo Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo ah suuqa ugu weyn K/Soomaaliya.

Dabkaas waxaa uu ka kacay qeybta dharka jumlada ah lagu iibiyo ee Suuqa Bakaaraha , iyadoo sida wararku sheegayaana uu dabkaas ka dhashay burjiko shidan oo looga dhex tegay sandaqad yar oo ay raashin ku karin jirtay haweeney nolol maalmeedkeeda ka dhex raadsan jirtay dadka goobtaas ku ganacsada, kadibna dabka ka kacay uu sababay in ay gubtaan sandaqadihii ku dhawaa.

 

Khasaaraha uu dabkaasi geystay ayaad indhahaaga ku arkeysaa marka aad booqato halka uu ka kacay, waxaana marag ma doonto ah in ay dad badan halkaasi ku hanti beeleen, kuwaasi oo shalay galabnimadii markii ay guryahooda u hoyaadayeen taajiriin ahaa.

 

Xalay markii uu dabkaasi ka kacay Suuqa Bakaaraha, isla markaana ay dadku isugu baxeen waddooyinka, gaar ahaan kuwa hantida ka taalo Suuqaas ayaa dhinaceyga ka soo raacay aniga oo ujeedkeygu yahay in aan soo ogaado baaxadda khasaaraha uu dhaliyay dabkaasi, haseyeeshee markii aan suuqa soo dhexgalay ayaan ka quustay in aan u gudbo halka dabku ka socday, iyadoo sababtuna ahayd in ay halkaasi ku sugnaayeen kooxo hubeysan oo isugu jiray kuwo meesha u tegay in ay dadka hantidooda dabka kala soo baxay ka dhigtaan iyo kuwo kale oo u cararayay in ay soo eegaan goobahooda ganacsi iyo hadba inta
uu dabka u soo jiro.

 

Buuqa dadka oo is-bar bar yaacayay iyo dhawaqa rasaasta ayaa noqday kuwo isku milmay, waxayna mar qura xaaladdii isu bedeshay mid argagax leh, iyadoo qof kasta oo goob ganacsi ku leh suuqaas uu la soo baxay hub uu ku waardiyeysanbayo hantidiisa, si aanan loo boobin.

 

Seddex ruux ayaa inta la ogyahay siyaabo kala duwan xalay ugu geeriyootay gudaha suuqa Bakaaraha, iyadoo tiro kale oo intaas ka badana uu dhaawac soo gaaray, waxaana la sheegayay in dadka dhintay ay isugu jireen kuwo si bareer ah loo dilay iyagoo laga baacsanayay hantidooda oo ay dabka kala soo carareen, halka kuwa kalena ay u geeriyoodeen rasaas beydad ah oo haleeshay.

Waa markii seddexaad ee uu Suuqa Bakaaraha gubto, sanadkii 2002 ayuuna sidaan oo kale mar u gubtay , inkastoo dabkii xalay uu ka khasaaro yaraa kuwii ka horeeyay waayo dadka ayaa bartay sida looga hor tegi karo, waxayna xalay bilaabeen markii uu dabku kacay in ay kala jaraan dhismooyinka isku xiriirsan, si aanu dabku isu wada gaarsiin, taasina ayaa la rumeysan yahay in ay baajisay khasaaraha uu dabkaasi geysan lahaa.

 

"markaan oo kale dadna wey hanti beelaan, kuwo kalena wey ka faro qabsadaan, xaaraanba ha u ahaatee" ayuu igu yiri mid ka mid ah dadkii xalay aan kula kulmay gudaha suuqa bakaaraha, kaasi oo ilinka ka taagnaa goobtiisa ganacsiga oo uu si taxadar leh u ilaashanayay, waxaana u qaatay in uu ula jeeday warkaas in dadna ay dabka ku xoolo beelayaan, kuwo kalena oo bililiqo u yimidna ay hanti xaaraan ah ka tacbayaan. Intii aan hadalkaas wadnay aniga iyo ninkaas odayga ah ayaa waxaa na soo dul istaagay wiil dhalinyaro ah oo sida ii muuqatay ka soo jeeda beelaha aan hubeysaneyn, kaasi oo ninkaa aan sheekeysaneynayoo ay is-bar garanayeen u sheegay in laga dhacay oo jidka looga soo qaatay inta badan lacagtii uu ku ganacsanayay oo dollar ahaan uu u heystay, "haddiiba ay naftaada kuu soo daayeen oo aad ka soo baxsatay waxba waayi meysid, hantina waad heleysaa ee ha ooyine aamus" sidaas waxaa wiilkii oo ay ilin indhahiis soo dhaaftay ugu beer qaboojisay haweeney iyada qudheeda hurdadii uga soo haaday in ay ilaashato goobteeda ganacsi, haseyeeshee wiilkii isagoo aanan wax jawaab ah bixin ayuu iska dhaqaajiyay.

 

Saakay markii uu waagu baryay ayaan ku kalahay halkii xalay dabku ka kacay, waxaana si toos ah u abaaray halkii dabku ka bilowday, markii aan goobta imidna qacdii ugu horeysay waxay indhaheygu qabteen goobtii ciriiriga ahayd ee lagu iibin jiray dharka jumlada ah oo aad moodeyso in laga diyaarin rabo garoon lagu ciyaaro K/cagta, yacni sida ay dhamaanba dhulka ula mid noqdeen sandaqadihii halkaasi ku yiilay oo uu dhar ka buuxay, waxaana goobta ka muuqda haraagii lamayeeri ay ka sameysnaayeen sandaqadahaas oo isaga qudhiisa isku duubmay, iyadoo weliba meelaha qaarkood uu qiiq ka baxayay.

 

Ganacsiga halkaasi ka socday waxaa inta badan gacanta ku hayay haween, kuwaasi oo saakay isugu soo baxay goobihii ay ku ganacsan jireen oo maran, waxayna qaarkood muujinayeen in ay ka bas beeshay hanti aad u fara badan oo ay meesha wada geliyeen.

 

Si kastaba, dabkaasi oo socday muddo seddex saacadood oo xiriir ah ayaa iskiis u istaagay, iyadoo aaney jirin dab damisyo goobtaas yimid, marka laga reebo dad ku soo baxay oo ku shubayay biyo iyo ciid, si aanu dabku ugu sii baahin goobaha ku xiga, taasina waxay noqotay fikradaas mid meel martay oo looga badbaaday khasaaro badan oo imaan lahaa.

 

By: Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

saladxiis@yahoo.com

Mogadishu, Somalia

oContact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2004 Hiiraan Online