5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 7 , 2024
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo Maanta shir laba geesood ah ku yeeshay magaalada Nairobi
 

Talaado, May, 7, 2024 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta khudbad ka jeediyay shir laba geesoodka ah oo u dhexeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ka dhacay magaalada Naitobi ee Caasimada dalka Kenya.

Shirkaan laba geesoodka ah waxaa ka qeyb galay xubno ka socday labada dowladood oo ay kala hoggaaminayeen Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua, wuxuuna ahaa mid daba socday heshiisyadii ay shalay kala saxiixdeen laba dal.

Raysal wasaare Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ugu horeyn khudbadiisa ku dheeraaday ka hadalka xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeya labada dal iyo iskaashiga gobolka ee ku aadan xasilloonida, horumarka, iyo waliba sida Soomaaliya ay uga go’an tahay iney kaalin firfircoon ka qaadato isku xirnaanta dalalka Bariga Afrika.

"Ra’iisul Wasaaraha wuxuu adkeeyay sida wadahadallada labada geesoodka ah ee (JCC) ay u yihiin saldhig wanaagsan oo lagu sii xoojin karo xiriirka labada dal, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay horumarka wadahadallada iyo heshiisyada la gaarayo" ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Shirka kadib waxaa kulan gaar ah wada yeeshay Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua, waxaana kulan dhexmaray labada masuul uu ahaa mid xoojinayey xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal oo Shalay heshiisyo dhowr ah ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.