5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 7 , 2024
Ururka Saxafiyiinta degaanka Soomaalida oo ka hadlay xukunka ku dhacay Wariye Muxyadin Show
 

Talaado, April, 7, 2024 (HOL) - Muxyadin Maxamed oo loo garan og yahay Muxyadin Show kana mid ah Wariyayaasha sida madaxa banaan uga howlgala Dowlad degaanka Soomaalida ayay Maxkamadda Gobolka Faafan ee Jigjiga ku xukuntay 2 sano oo xarig, kaddib markii lagu eedeeyay gudbinta hadallo naceyb oo bulshada iska horkeenaya iyo been abuur.

Haddaba Ururka Saxafiyiinta ee Dowlad degaanka Soomaalida oo ka hadlay xukunka ku dhacay Wariye Muxyadin Show ayaa sheegay in xukunkaasi uusan ahayn mid sax ah oo cadaaladda waafaqsan, iyagoo sheegay in xukunkaasi aysan ku qanacsanayn oo hadda ay dib u eegis ama Racfaan ay ka qaateen xukunkaas, sida uu Warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Dowlad Degaanka Soomaalida Cabdirisaaq Xasan.

Dhinaca kale Cabdirisaaq waxa uu sheegay in Maxkamaddu ay hadda ka hor damiin ahaan kusiidaysay Muxyadin, balse Dowladdu aysan go'aankaas fulinin, walina uu xabsiga kusii jiray ilaa uu xukunka 2da sano ah ay Maxkamaddu ku dhawaaqday maalmo ka hor.

Ururka Suxufiyiinta ee CPJ oo geestooda ka hadlay xadhiga Wariye Muxyadin Show ayaa sheegay in Wariyahan ay markii hore xidheen Ciidamada amniga ee degaanka Soomaalida, kuwaas oo inta aan saldhigga booliska loosoo gudbin muddo lix maalmood ah ku hayay Muxyadin goob aan lagaranayn.

Moutoki Muma oo kamid ah xiriiriyaha barnaamijka Afrika ee CPJ ayaa geesteeda waxay sheegtay in xukunka ku dhacay Muxyadin Show ee labada sano ah uu muujinayo cadaadiska iyo cabudhinta saxaafadda ka howlgasha Itoobiya.

Ugu dambayn, Ururka Suxufiyiinta ee CPJ ayaa Dowladda Itoobiya ugu baaqay inay ilaaliyaan isla markaana aysan ka hor imaan Dib u eegista ama Racfaanka Wariye Muxyidiin Maxamed Cabdullahi, oo Maxkamadda Gobolka Faafan ee Jigjiga ku xukuntay 2 sano oo xarig ah, isagoo xukunka hortiisna xidhnaa muddo saddex bilood gaaraysa.

Saxafiyiinta Madaxa banaan ee ka howlgala Itoobiya oo ay ku jiraan kuwa Dowlad degaanka Soomaalida ayaa la kulma dhibaatooyin kala duwan xilliga ay ku jiraan shaqadooda, kuwaas oo qaarkood la xiro, kuwo kalena loo hanjabo, halka kuwa kalena ay dibadaha u carareen iyagoo ka cabsi qaba in naftooda ay dhibaato usoo wajahdo.