5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 6 , 2024
Xildhibaano si kulul uga hadlay dil maanta loogu geystay degmada Bardaale Malaaq caan ahaa
 

Isniin, April, 6, 2024 (HOL) - Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa si kulul uga hadlay weerar maanta lagu dilay Malaaq Manuur Yuusuf Maxamuud oo ahaa Malaaqa guud ee beesha Leysaan.

Malaaq Manuur Yuusuf ayaa la sheegay in dilkiisa ay geysteen ciidamo ka tirsan kuwa amaanka maamulka Koonfur Galbeed oo ku sugan degmada Bardaale, kuwaas oo ku weeraray hoyga uu ka dagan yahay Malaaqa degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Xildhibaan Maxamed Abuukar oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dilka Malaaqa uu ka dambeeyo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

"Waxa maanta ka dhacay Bardaale waxay ahayeen arin aad u fool xun oo dhaqan Soomaali iyo dhaqan dowladeedba aheyn in Malaaq gurigiisa lagu weeraro oo hadana la dilo, waxaa weerarka geystay ciidamo ku heyb ah ninka sharci darada ku joogo labo sano Cabdicasiis Laftagareen oo beryahan dambaba maleeshiyaad uu sameystay ku dhibaateynay dadka reer Bardaale" ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Abuukar.

Malaaqa maanta lagu dilay degmada Bardaale ayaa ka mid ahaa dhaqanka sida weyn looga yaqiinay degmadaas, waxaana laga cabsi qaba in dilkiisa ay ka dhalato xiisad dagaal.

Degmada Bardaale waxaa maalmahii lasoo dhaafay ka taagna khilaaf ka dhashay dhinaca maamulka ah oo ka taagan degmadaas, kaas oo u dhaxeeya Masuuliyiinta maamulka degmada Bardaale ee gobolka Baay, waxaana dilkaan uu sii adkeyn doonta xal u helista khilaafkii taagnaa.