6/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 18, 2024
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo dil ku xukuntay Askari horay u dilay qof shacab ahaa
 

Sabti, May, 18, 2024 (HOL) - Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday Dable Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsana guutada 27-aad, Ururka 3-aad ee Abuu dujaana, kaasoo horay si bareer ah dil u geystay marxuum lagu magacaabi jiray Sacad Cabdi Muuse.

Askarigaan maanta lagu xukumay ayaa bilowgii bishii lasoo dhaafay ee sanadkan 2023, si ula kac ah ugu dhex dilay goob timaha lagu jarto marxuum Sacad Cabdi Muuse, kadib markii ay ku murmeen dhinaca kala horeynta tima jarista oo la sheegay inuu ku horeeyay marxuumka la dilay.

Dable Daa’uud Bashiir Colow ayaa muran kadib madaxa xabad uga dhuftay marxuum Sacad Cabdi Muuse, waxaana falkaas uu ka dhacay Timajare ku yaala degmada Dharkenleey ee magaalada Muqdisho.

Maxkamdda Darajada kowaad ee ciidamda qalabka sida oo dhageysiga kiiskaan waqti ku filan siisay dhinacyada dacwada u dhaxeysay ayaa ugu dambeyn maanta oo Sabti ah ku xukuntay Dable Daa’uud Bashiir Coloow Dil toogasho oo ah qisaastii marxuum Sacad Cabdi Muuse sida uu warbaahinta u sheegay guddomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamadda qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.