6/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 15, 2024
Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir oo xukun dil ah ku ridday sayid Cali Macallin Daa'uud
 

Arbaco, May, 15, 2024 (HOL) - Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday Sayid-Cali Macallin Daa'uud oo ku eedeysnaa inuu xaaskiisa oo xaamilo ahayd nolasha ku gubay.

Maxkamadda Racfaanka ayaa ayidday xukunkii kasoo baxay maxkamadda gobolka Banaadir, taasoo horey xukun dil ah ugu ridday Sayid Cali.

Maxkamaddu waxay sheegtay in eedaysane Sayid Cali lagu helay dambiga lagu eedeeyay, sidaas darteedna xukunkiisa uu noqonayso xukun dil qisaas ah.

Waxay sheegtay in xukunkaan uu ka furan yahay racfaan in loo qaadan karo maxkamadda sare ee dalka.

Qareenka u doodaya eedeysanaha oo lagu magacaabo Abuukaate Cali Xalane, ayaa sheegay in aysan ku qanacsanayn xukunka maxkamadda isagoo sheegay in ay racfaanka ka qaadan doonaan xukunka soo baxay.

Dhinaca kale, qoyska marxuumad Luul Cabdicasiis ayaa si weyn u soo dhoweeyay xukunka maxkamadda racfaanka ay gaartay, iyagoo ku tilmaamay xukun caddaalad ah oo ay sugayeen.